Asmara (Dawan)— Safaaradda Mareykanka ee magaalada Asmara ayaa soo saartay digniin amni oo ay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, iyadoo dagaalladu ka socdaan waqooyiga Itoobiya, meel u dhow xuduudda Eritrea.
Digniinta oo la soo saaray 9-kii Oktoobar ayaa safaaraddu ku sheegtay in xannibaadaha safarka, miinooyinka dhulka lagu aaso, halista xarig sharci-darro ah iyo xaddidaadaha adeegyada qunsuliyaddu ay yihiin khataro ay tahay in muwaadiniinta Mareykanku ka feejignaadaan.
Safaaraddu waxay sheegtay in shaqaalaheedu aanay u safri karin meel ka baxsan masaafo dhan 25 kiiloomitir (15 mayl) oo u jirta bartamaha Asmara, taas oo xaddidaysa awoodda ay muwaadiniinta Mareykanka ku caawin karto meelaha ka baxsan caasimadda. Waxay muwaadiniinta kula talisay inay diyaarsadaan qorshayaal ay dalka kaga bixi karaan haddii xaalad degdeg ahi timaaddo, kuwaas oo aan ku tiirsanayn caawimaadda dowladda Mareykanka. Sidoo kale, waxaa lagula taliyey inay cusboonaysiiyaan dukumentiyada safarka, wataan aqoonsigooda, dib u eegaan qorshayaashooda badbaado, la socdaan wararka gudaha, isla markaana iska diiwaangeliyaan barnaamijka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Smart Traveler Enrollment Program (STEP) si ay u helaan digniinaha amniga.