Guantánamo Bay (Dawan)- Siddeed nin oo Soomaali ah oo muddo bil ku dhow lagu hayey saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay Guantánamo Bay ayaa Khamiistii loo soo masaafuriyey Soomaaliya, sida ay Jimcihii werisay MPR News, oo ah qaybta wararka ee Minnesota Public Radio.
MPR News ayaa Jimcihii la hadashay mid ka mid ah ragga oo lagu magacaabo Aadam Cabbdullaahi, oo 31 jir ah, kadib markii uu gaaray guriga qoyskiisa oo ku yaalla duleedka Muqdisho. Aadam ayaa sheegay in isaga iyo toddobada nin ee kale laga soo qaaday Guantánamo dabayaaqadii Agoosto, kaddib markii saraakiisha socdaalka Mareykanku u sheegeen inay ku sii jeedaan Soomaaliya, Cuba-na ay ku hakanayaan oo keliya si diyaaradda shidaal loogu shubo.
Aadam ayaa sheegay in ilaalada xabsigu garaaceen, isla markaana ay geliyeen qol go’doon ah oo aad u qabow, kaddib markii raggu bilaabeen cunto-joojin. MPR News ma aysan sheegin inay si madax-bannaan u xaqiijisay eedeyntaas.