Muqdisho (Dawan) – Dowladda Mareykanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda 1-da Luulyo, oo ah Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo u rajeysay nabad, xasillooni iyo mustaqbal wanaagsan.
War qoraal ah oo ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay hambalyo ku socota shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu xusay muhiimadda maalintan taariikhiga ah.
“Maalin Xorriyadeed oo Farxad u leh shacabka Soomaaliyeed,” ayay safaaraddu ku tiri farriinteeda.
Safaaradda ayaa intaas ku dartay in Mareykanku uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayo hambalyada munaasabaddan qaran, isla markaana uu u rajeynayo nabad waarta, xasillooni iyo horumar.