Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda Turkiga, kaas oo maanta kusoo xirtay dekedda Muqdisho. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa amniga badda iyo iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdi Cali, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud. Sidoo kale waxaa ka qayb galay Wasiir-dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Guud ee Ciidanka XDS, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo sare.
Dowladda ayaa imaanshaha markabkan ku tilmaantay mid mudnaan gaar ah siinaya dhismaha, tayeynta iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, si loo sugo badqabka biyaha qaranka loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara badda.







