Soomaaliya (Dawan)— Siddeed nin oo hubaysan ayaa la wareegay markab xamuul ah oo marayay xeebaha Soomaaliya, kaddib markii ay xoog ku fuuleen markabka Isniintii, 17-ka Agoosto 2026.
Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa sheegtay in dhacdadu ka dhacday meel qiyaastii afar mayl-badeed koonfur ka xigta deegaanka Mareeyo ee Soomaaliya, iyadoo sarkaalka ammaanka ee shirkadda markabka uu xaqiijiyay in ragga hubaysan ay gacanta ku dhigeen markabka.
Warbixin ay daabacday The Maritime Executive ayaa sheegtay in markabka LUTUF uu safar uga soo baxay Turkiga, kuna sii jeeday magaalada Dar es Salaam ee Tanzania markii la qabsaday. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in shaqaalaha markabka lagu soo warramay inay badqabaan, halka howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR Operation ATALANTA uu baarayo dhacdada isla markaana la socdo xaaladda markabka.
Markabka la qabsaday ayaa warbaahinta ka hadasha arrimaha badaha ku sheegeen inuu yahay LUTUF, oo ah markab xamuul oo watay calanka Cameroon. Shirkadda amniga badaha ee Vanguard Tech ayaa sheegtay in markabka la sameeyay sannadkii 1995, isla markaana awooddiisa xamuul ay gaareyso qiyaastii 1,401 tan.