Jigjiga 22 December 2025 (Dawan)- Tartanka kubadda cagta ee Degmooyinka Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga, iyadoo degmada Marsin ay ku guuleysatay koobka tartanka kaddib markii ay 1–0 kaga adkaatay degmada Godgod ciyaartii kama dambaysta ahayd.
Ciyaarta finalka, oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ahayd mid si weyn loo xiiseynayay, maadaama labada degmo ay kusoo kala guuleysteen tartamada gobolladooda ee Qoraxey iyo Afdheer.
Tartankan oo billowday 2-dii Diseembar 2025, ayaa waxaa ka qeybgalay 10 degmo oo kala matalayay gobollada uu ka koobanyahay maamulka Deegaanka Soomaalida. Godgod ayaa finalka soo gaartay kaddib markii ay semi-finalka ka reebtay Harawa, halka Marsin ay ka adkaatay Boqolmayo.










