Rabat 22 December 2025 (Dawan) - Xulka qaranka Morocco oo martigelinaya Koobka Qaramada Afrika ee 2025 ayaa guul ku billowday tartanka, kaddib markii uu 2–0 ku garaacay xulka Comoros kulankii furitaanka ee xalay dhacay magaalada Rabat.
Ciyaarta qeybteedii hore ayaa kusoo dhammaatay barbaro goolal la’aan, inkasta oo Morocco ay si buuxda u maamuleysay ciyaarta. Inta badan ciyaartoyda Morocoo waxay haysteen kubadda, waxayna abuureen fursado badan, iyada oo ciyaartooyda Comoros ay ku jireen difaac ay uga badbaadeen goolal dhowr ah, Goolhayahooda Yannick Pandor ayaa sidoo kale badbaadiyay rigoore qeybta hore ee ciyaarta.
Furitaanka goolasha ayaa yimid daqiiqaddii 55-aad, markaas oo Brahim Díaz uu Morocco hoggaanka u dhiibay, kaddib baas gaaban oo uu ka helay Noussair Mazraoui. Weeraryahanka Real Madrid ayaa si deggen u dhammeystiray fursadda, taasoo ka tarjumaysay cadaadiska joogtada ah ee Morocco ku haysay difaaca Comoros.
Morocco ayaa goolka labaad ku xaqiijisay guusha daqiiqaddii 74-aad, markaas oo Ayoub El Kaabi, oo beddel kusoo galay, uu dhaliyay gool cajiib ah, kaas oo si weyn u kiciyay taageerayaasha garoonka joogay.










