Qaahira (Dawan)- Qaahira iyo Jabuuti ayaa si cad u muujiyay diidmadooda ay uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madaxbannaanida iyo dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa ka soo baxay kulan ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Cabdulcaati, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, kaas oo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar.
Labada wasiir ayaa si wadajir ah u cambaareeyay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland dhamaadkii bishii December ee sanadkii tegay, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo si toos ah uga hor imaanaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku ah xasilloonida iyo midnimada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.






