Kampala (Dawan) – Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, iyo dhiggiisa Uganda, Yoweri Museveni, ayaa kawada hadlay arrimaha la xiriira biyaha wabiga Nile iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isu-duwidda mowqifyada labada dal, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya dalalka uu maro wabiga, gaar ahaan Masar iyo Itoobiya.
Kulanka labada hoggaamiye ayaa ka dhacay qasriga madaxtooyada ee magaalada Entebbe, kadib booqasho uu Al-Siisi ku tegay Uganda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Masar.
Labada dhinac ayaa yeeshay kulan ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin labada dal, waxaana xigay kulan gaar ah oo dhexmaray labada madaxweyne. Madaxweyne Al-Siisi ayaa adkeeyay muhiimadda ay Masar siinayso horumarinta xiriirka dhaqaale, kordhinta ganacsiga labada dal iyo dhismaha iskaashiga maalgashiga.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay baahida loo qabo in la xoojiyo isku-duwidda labada dal ee heerarka Afrika iyo kuwa caalamiga ah, maadaama gobolka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo dhaqaale oo isa soo taraya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladaha Suudaan, Liibiya iyo qadiyadda Falastiin, iyadoo labada hoggaamiye ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo mowqifyada ku aaddan arrimahaasi.


