Qaahira (Dawan)– Dowladda Masar ayaa si cad u beenisay warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inay diyaar u tahay inay Itoobiya ka caawiso helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas, si ay uga hesho dabacsanaan la xiriirta khilaafka Biyo-xireenka Itoobiya ee muranka badan dhaliyay.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Masar ayaa mas'uul aysan sheegin magaciisa ka soo xigatay in Masar ay si adag u diiday wararkaasi, waxa uuna ku tilmaamay kuwo “aan sal iyo raad lahayn,” isla markaana aan ku dhisnayn xaqiiqo jirta. Mas'uulka ayaa carrabka ku adkayay in mowqifka Masar ee ku aaddan amniga biyaha iyo arrinta biyo-xireenka uu yahay mid aan isbeddelin, kuna saleysan ilaalinta xuquuqda biyaha ee dalalka ku teedsan webiga iyo diidmada tallaabooyinka hal-dhinac ah.
Masar ayaa sidoo kale caddeysay in maamulidda iyo amniga Badda Cas ay ku kooban yihiin oo keliya dalalka xeebaha ku leh, maadaama ay tahay marin istaraatiiji ah oo si toos ah ula xiriira amniga qaran ee dalalkaas, iyadoo si dadban u muujisay diidmada ka qeybgalka Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn.






