Qaahira (Dawan)- Masar ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi uu Axadda magaalada New Alamein kaga qeybgalayo shir wadatashi ah oo ay isugu imanayaan hoggaamiyeyaasha Ereteriya, Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in Shirka Wadatashiga Alamein uu isu keenayo hoggaamiyeyaasha afarta dal, ee si ay uga wada hadlaan una xoojiyaan iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha gobolka ee ay dan wadaagga ka leeyihiin.
Kulankaan ayaa u dhaxeenaya Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee Suudaan iyo Cabdulfataax al-Burhan iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi.