Muqdisho (Dawan) — Mashruuca SCALED-UP, oo uu maalgeliyey Bangiga Adduunka, ayaa maanta si rasmi ah loogu soo xiray Muqdisho, kaddib ku dhowaad toddobo sano oo laga fulinayey Soomaaliya.
Mashruuca oo la bilaabay sanadkii 2019 ayaa diiradda saaray horumarinta adeegyada maaliyadeed iyo kuwa dhijitaalka ah, taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.
Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya, Hideki Matsunaga, ayaa sheegay in mid ka mid ah ujeeddooyinka ugu waaweyn ee mashruucu ahaa in fursado dhaqaale iyo shaqo loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.