Muqdisho (Dawan) – Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay rajeynayaan in munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee sanadka 2027 lagu qabto magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama, iyagoo xusay in dowladda ay ka shaqeynayso sidii munaasabaddaasi uga dhici lahayd deegaannada Somaliland.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay xuska 1-da Luulyo ee lagu qabtay Fagaaraha Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay hiigsaneyso in sanadka dambe xuska lagu qabto magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama.
“Waxaan Alle ka rajeynaynaa in sanadka xiga magaalada Hargeysa, Burco iyo Boorama lagu qabto laguna xuso maalinta xorriyadda iyo midnimada gobollada waqooyi iyo koonfur,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.
Waxa uu intaas ku daray in dowladda ay ka go’an tahay in qorshahaasi uu hirgalo, si kasta oo ay suuragal u noqoto.
“Sidey doontaba ha ku timaaddee, waxaan rajeynaynaa in sanadka soo socda ay taasi hirgasho, Insha Allaah,” ayuu sii raaciyay.