Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray qodobo kasoo baxay Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Shirka oo socday intii u dhexeysay 12-ka iyo 14-ka Agoosto 2026 ayaa lagu qiimeeyay xaaladda waxbarashada dalka, waxqabadka hay’adaha waxbarashada iyo caqabadaha horyaalla horumarinta adeegyada waxbarasho.
Ka qeybgalayaasha ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo horumariyo baahinta adeegyada waxbarashada iyo tayada dugsiyada.
Qodobada kasoo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo badqabka iyo fayo-dhowrka goobaha waxbarashada, in dugsiyada lagu xoojiyo astaamaha qaranka, iyo in la ballaariyo barnaamijka quudinta dugsiyada oo ay maalgeliso Dowladda Federaalka Soomaaliya.