Hargeysa (Dawan) – Booliska Somaliland ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabo ay ku tilmaameen kuwo aan ku wanaagsanayn nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa hadalkan ku sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Telefishinka Somaliland. Wuxuu sheegay in ay jiraan dad baraha bulshada ku faafiya waxyaabo aan ku wanaagsanayn nabadgelyada, kuwaas oo uu xusay in boolisku si gaar ah ula socdaan.
“Waxaa jira dad baraha bulshada ka wada waxyaabo aan nabadgelyada ku wanaagsanayn, kuwaana si gaar ah ayaan ula soconnaa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Somaliland, Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Somaliland ay kordhisay feejignaanta amniga, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kadib dhacdooyin amni oo ay boolisku sheegeen inay xiriir la leeyihiin dad lagu eedeeyay inay rasaas rideen. Warbixinno maxalli ah ayaa sheegay in boolisku ay qabteen dad lagu tuhmay falalkaas, iyadoo Afhayeenka Booliska Somaliland uu sheegay in ciidanku aqoonsadeen dad looga shakisan yahay dhacdooyinkaasi.


