Muqdisho (Dawan) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisanaysa dhageysiga dacwadda Sacdiyo Macallin Cali Xasan, oo bulshada dhexdeeda looga yaqaan Sacdiyo Bajaaj, kadib markii gal-dacwadeedkeeda loo gudbiyay hay’adaha garsoorka.
Xubno ka tirsan maxkamadda ayaa Dawan u xaqiijiyay in dhageysiga maanta uusan noqon doonin mid si toos ah loo baahiyo, isla markaana aan wax muuqaal ah laga duubi doonin si dadweynuhu u daawadaan. Go’aankan ayaa meesha ka saaraya filashadii qaar ka mid ah bulshada ee ahayd in dacwadda si furan looga daawan doono warbaahinta ama baraha bulshada.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa hore u sheegay in Sacdiyo loo haysto eedeymo la xiriira “kicin bulsho” iyo “sumcad-dil”, kadib markii hay’adaha baarista ay kiiskeeda u gudbiyeen xafiiska xeer-ilaalinta. War-saxaafadeedkii uu hore u soo saaray xafiisku si faahfaahsan uguma caddeyn hadallada, qoraallada ama falalka gaarka ah ee saldhigga u ah eedeymaha loo jeediyay.
Kiiska Sacdiyo Bajaaj ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada, gaar ahaan isticmaalayaasha baraha bulshada, maadaama ay ka mid tahay haweenka dhallinyarada ah ee Muqdisho uga shaqeysta mooto bajaajta. Xariggeeda iyo dacwadda loo haysto ayaa dhaliyay dood ku saabsan xorriyadda hadalka, sumcad-dilka iyo sida sharcigu u fasirayo falalka lagu tilmaamo “kicin bulsho”.
Marka loo eego eedeymaha loo jeediyay Sacdiyo Macallin Cali Xasan, waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta “kicin bulsho” iyo “sumcad-dil”. Inkastoo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee la ansixiyay sannadkii 1962 uusan si toos ah u adeegsan erayga “kicin bulsho”, haddana waxaa jira qodobo la xiriira ilaalinta nidaamka guud ee bulshada.









