Kampala (Dawan) – – Shir madaxeedka mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa maanta ka furmaya magaalada Kampala ee Uganda, iyadoo looga hadlayo sida loo sii wadi karo howlgalka, sida lagu heli karo dhaqaalihiisa, awoodaha militari ee loo baahan yahay iyo qorshaha looga hortagayo firaaq amni oo ka dhalan kara marka uu dhammaado waqtiga howlgalka ee hadda.
Shirka oo ka dhacaya Speke Resort Munyonyo ee magaalada Kampala ayaa soconaya 29-ka ilaa 31-ka Luulyo 2026. Maalinta koowaad waxaa kulmaya taliyeyaasha ciidamada, maalinta labaad wasiirrada gaashaandhigga, halka 31-ka Luulyo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ciidamada ku taageeray howlgalka.
Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shirka, waxaana sidoo kale goobta ku sugan wakiillo ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Urur-goboleedka IGAD.
Kulamada shirka ayaa lagu diyaarinayaa warbixinno iyo talooyin ay ugu dambeyn madaxdu ka gaari doonaan xaaladda amniga Soomaaliya iyo jihada mustaqbalka ee AUSSOM.
Shirkii la midka ahaa ee dhacay sannadkii 2025, talooyinkii kasoo baxay waxaa loo gudbiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika si loo ansixiyo, kadibna Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay loogu gudbiyo dukumenti shaqo. War-murtiyeedka shirka 2026 ayaa la filayaa inuu maro isla hannaankan, hase yeeshee arrintaasi waxay rasmi noqon doontaa marka la soo saaro qoraalka rasmiga ah ee shirka.