Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shaaca ka qaaday in sababta dowladda Soomaaliya u baabi’isay heshiisyadii hore ee lala galay Dowladda Imaaraadka Carabta inay ka dhalatay markii ay dowladdu u aragtay in Imaaraadka Carabta ay ka gudubtay xeerarkii iyo sharciyadii dalka, taasoo qasab ka dhigtay in la qaato go’aan lagu ilaalinayo madax-bannaanida iyo haybadda qaranka.
Wasiirika oo la hadlay Dawan Media ayaa yiri. " Dowladda Imaaraadka Carabta markaan u aragnay inay ka gudubtay xeyndaabka dowladda federaalka Soomaaliya, go'anka kaliya ee aan haysanay waxay ahayd inaan ka noqono heshiisyadii aan hore u galnay oo ku saabsanaa xagga amniga iyo difaaca "
Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyey in iridda kaliya ee Soomaaliya laga soo galo inay tahay dowladda federaalka, oo haysta awood sharciyeedka haga siyaasadda arrimaha dibadda.
Wuxuu intaa ku daray in go’aanka dowladda uu ku salaysnaa ilaalinta dastuurka, difaaca xuduudaha dalka, iyo xaqiijinta danta qaranka Soomaaliyeed, iyadoo tallaabo kasta oo la qaadayo ay tahay mid lagu sugayo ammaanka iyo xasilloonida dalka.







