Baydhabo (Dawan) – Amniga iyo kobcinta dakhliga gudaha ayaa ka mid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee looga hadlay madasha sanadlaha ah ee guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed, oo 26-kii Sebteembar ka furantay Baydhabo.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo furay madasha, ayaa sheegay in amnigu yahay mid shardi u ah horumarka deegaannada. “Meel aan amni lahayn, horumar ma jiro, waxbarasho ma jirto, ganacsi ma jiro, beerfalasho ma jirto,” ayuu yiri.
Ka qaybgalayaasha madasha ayaa ka hadlay xoojinta wada shaqaynta maamulka gobollada iyo degmooyinka iyo hay’adaha amniga, si wax looga qabto khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.