Muqdisho (Dawan) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed kana mid ah siyaasyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo jeeda Galmudug ay ka wadahadlayaan qorshaha doorashooyinka maamulka, xilli ay dalka ka jiraan doodaha la xiriira dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah.
Guuleed oo ka hadlayay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan ayaa dhaliilay qaabka dowladda federaalka ay u maareyneyso xiriirka dowlad-goboleedyada iyo geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo sheegay in arrimaha siyaasadda Soomaaliya ay u baahan yihiin wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.
Guuleed ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Galmudug ay wadaan wadatashiyo ku saabsan qaabka ay u dhici karto doorashada maamulka.
“Dadka Galmudug waxay weli ku jiraan wadatashi. Wadatashigeennuna waxa uu yahay in halkaas ay ka dhacdo doorasho ay raalli ay iskaga yihiin dadka reer Galmudug. Waxa aan hadda raadineynaa in dhammaan daneeyeyaasha, musharraxiinta iyo dhinacyada kala duwan ay qeyb ka noqdaan wadatashiga,” ayuu yiri Guuleed intii uu wareysiga socday.


