Muqdisho (Dawan)– Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in calanka qaranka hoos loo dhigo muddo saddex maalmood ah, kaddib geerida Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Xamad bin Khaliifa Al Thaani, oo hoggaaminayay dalkaas intii u dhexeysay 1995 illaa 2013.
Qoraal ay baahisay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay in amarka lagu hoos dhigayo calanka uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana dhammaan hay'adaha dowladda lagu amray inay fuliyaan go'aankaas.
Dowladdu waxay sheegtay in tallaabadan ay muujinayso xiriirka walaaltinimo iyo garab istaagga ay Soomaaliya u hayso dowladda iyo shacabka Qatar, isla markaana ay tahay astaan lagu cabbirayo murugada iyo tacsida ay la wadaagayso shacabka dalkaas.
Maxaa sabab u ah in calamada hoos loo dhigo?
Hoos u dhigista calanka waa hab-maamuus diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu muujiyo baroordiiq, murugo qaran ama ixtiraam rasmi ah marka ay dhacaan geerida madaxda dalalka, hoggaamiyeyaal qaran ama shaqsiyaad caan ah oo saameyn ku leh dal ama bulsho.
Sidoo kale, waxaa loo adeegsadaa xuska dhibbanayaasha dagaallada, masiibooyinka dabiiciga ah, shilalka waaweyn ama si loo muujiyo garab istaag iyo u damqasho dal kale marka uu wajahayo musiibo ama dhacdo murugo leh.