Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali, ayaa sheegay in qaabka ay maanta u dhisan yihiin kooxaha kubadda cagta uu yahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee uu Horyaalka Soomaaliya u waayay xiisihii iyo taageeradii loo baahnaa, isagoo xusay in loo baahan yahay isbeddel ku saleysan habka ay kooxaha dunidu u shaqeeyaan.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Miizaan Podcast ee Dawan Media ayuu wasiirku ku sheegay in fikradaha hadda lagu maamulo kooxaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib-u-eegis, maadaama aysan la jaanqaadi karin qaabka casriga ah ee kubadda cagta adduunka.
"Idea yada hadda lagu wado kooxaha waxay u baahanyihiin in la bedelo. Aragtida iyo qaabka ay hadda aduunyada u shaqeeyaan iyo sida ay kooxaheenu ku dhisan yihiin isma lahan." ayuu yiri wasiirku
Wasiirku wuxuu tilmaamay in kooxaha qaar ay weli hoos tagaan hay'ado dowladeed sida wasaaradaha, taas oo uu sheegay inaanay ka caawinayn inay yeeshaan taageerayaal ballaaran. Wuxuu ku taliyay in koox walba ay yeelato deegaan ama magaalo ay matasho si ay bulshada deegaankaas ula yeelato xiriir iyo taageero joogto ah, isaga oo tusaale u soo qaatay kooxaha dalka Ingiriiska. " Sida aad aragtaan kooxaha Ingiriiska magaalooyin ayay ka socdaan."
Wuxuu sidoo kale sheegay in horumarinta ciyaaraha Soomaaliya ay u baahan tahay maalgashi ballaaran oo lagu kobcinayo garoomada, tayada kooxaha iyo ciyaartoyda, isagoo xusay in hadafka hadda uu yahay dib u soo celinta sumcadda ciyaaraha, balse mustaqbalka loo baahan yahay in ciyaaraha loo arko il dhaqaale.
"Hadda waxaan joognaa inaan samayno magac soo celin, laakin waxaa loo baahan yahay in ciyaaraha loo arko ilo dhaqaale." ayuu raaciyay hadalkiisa