Muqdisho (Dawan)- Mucaaradka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababihii fashilay wada-hadalladii u dhexeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Villa Soomaaliya, kuwaas oo socday intii u dhexeysay 13-ka illaa 15-ka May 2026.
Haddaba, maxaa keenay fashilka, maxaase la isku diiddan yahay?
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa wareysi uu siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee Dawan Media ku sheegay in kulamadaas looga hadlay saddex qodob oo waaweyn, kuwaas oo kala ahaa xaaladda guud ee dalka, muddo-xileedka Madaxweynaha, iyo arrimaha doorashooyinka.
Kulamada oo ka dhacay xerada Xalane, waxaa garwadeen ka ahaa xubno ka tirsan beesha caalamka.
Guuleed ayaa sheegay in dhinaca mucaaradka ay soo jeediyeen in, maadaama sida ay qabaan muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaaday, dowladda hadda jirta loo beddelo xukuumad xil-gaarsiin ah ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo cusub. Hase yeeshee, wuxuu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u diiday arrintaas.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa soo jeediyay in guddiyo gaar ah loo saaro arrimaha doorashooyinka si xal loogu helo khilaafka jira, balse taasna sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh wuu qaadacay.
“Waxaan soo jeedinay maadaama waqtigu dhammaaday in xukuumaddu noqoto xil-gaarsiin, Madaxweynaha wuu ka biyo diiday. Arrinta doorashooyinka in guddi loo xil saaro sidoo kale wuu diiday,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.


