Muqdisho (Dawan) – Afhayeenka Madasha Samatabixinta, Maxamed Maxamuud Diiriye, ayaa faahfaahin ka bixiyay sababihi keenay in dib loo dhigo shirkii mucaaradka ee la qorsheeyay inuu qabsoomo 10-kii Abriil, sababo tilmaamay in loo baahday wadatashi ballaaran iyo kordhinta ka qeybgalka bulshada.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Dawan Media, ayuu Diiriye ku sheegay in go’aanka dib u dhigista uu yimid kaddib markii la arkay muhiimadda ay leedahay in la helo ka qeybgal ballaaran oo ka tarjumaya aragtida qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
“Marka waxaa noo muuqatay in shirka dib loo dhigo, wadatashi ballaaran la sameeyo oo qabanqaabo intii ka ballaaran la sameeyo, si uu u noqdo shir abaabulan oo micno weyn u sameeya Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka.
Wuxuu intaas ku daray in waqtiga rasmiga ah iyo goobta uu shirka ka dhici doono dib laga soo sheegi doono, marka la soo dhameystiro diyaar-garowga cusub.


