Muqdisho (Dawan) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dib loo dhigay bannaanbax nabadeed oo hore loo qorsheeyay inuu qabsoomo 16-ka May 2026, iyadoo go’aankaas lagu sababeeyay in fursad la siiyo wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in wada-hadalladan ay dhexdhexaadinayaan xubno ka tirsan beesha caalamka, iyadoo ujeeddadu tahay in xal looga gaaro arrimaha doorashooyinka iyo maaraynta marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Go’aanka dib loogu dhigay bannaanbaxa ayaa imanaya xilli siyaasadda Soomaaliya ay wajahayso xiisado la xiriira hannaanka doorashooyinka, cabashooyinka mucaaradka iyo doodaha ku saabsan jihada marxaladda kala-guurka siyaasadeed. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegtay in taariikhda cusub ee bannaanbaxa dib laga shaacin doono, iyadoo lagu salaynayo natiijada iyo horumarka laga gaaro wada-hadallada socda.
Dib u dhigista bannaanbaxan ayaa muujinaysa in dhinacyada siyaasadda ay hadda mudnaan siinayaan wada-hadalka, inkastoo natiijada wada-hadalladaasi ay weli tahay mid la sugayo.


