Muqdisho (Dawan)– Xisbiga Awoodda Shacabka ee uu hoggaamiyo Thabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay Midowga Haybad Qaran, isagoo sabab uga dhigay kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo la xiriirta jihada uu qaatay isbahaysiga, gaar ahaan kaddib markii uu ku biiray Golaha Mustaqbalka.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbigu ayuu ku sheegay in markii uu ka mid noqday aas-aasayaashii Midowga Haybad Qaran uu aaminsanaa in isbahaysigu noqon karo madal horseedda xal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi, dowladnimo iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Xisbigu wuxuu xusay in muddadii uu xubinta ka ahaa Midowga Haybad Qaran uu si joogto ah u soo jeedinayay talooyin la xiriira xasilloonida dalka, ilaalinta midnimada qaranka iyo in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal iyo is-afgarad.
Hase yeeshee, Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa sheegay in isbeddello siyaasadeed ay soo baxeen kaddib markii Midowga Haybad Qaran uu ku biiray Golaha Mustaqbalka, taas oo uu ku tilmaamay inay dhalisay kala aragti duwanaanshaha sababay go'aanka uu uga baxay isbahaysiga.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu dhaliilay warqad uu Golaha Mustaqbalka soo saaray 28-kii Luulyo 2026, taas oo lagu soo jeediyay in la dhiso gole ku-meel-gaar ah oo la wareega hoggaanka dalka. Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa soo jeedintaas ku tilmaamay mid aan ku dhisnayn mas'uuliyad siyaasadeed, isla markaana dib u dhigi karta geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.