Muqdisho (Dawan) – Dakhliga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2025 gaaray $404.31 milyan, taas oo ka dhigan koror dhan 9.4% marka loo eego $369.35 milyan oo la uruuriyay sanadkii 2024, sida lagu sheegay warbixinta sanadlaha ah ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Kororka dakhliga ayaa ka dhigan in dowladda ay uruurisay ku dhowaad $35 milyan oo dheeraad ah marka loo eego sanadkii hore. Wasaaradda Maaliyadda ayaa kobacaasi ku sababeysay ballaarinta saldhigga canshuuraha, kordhinta u-hoggaansanaanta canshuur-bixiyeyaasha iyo hirgelinta nidaamyo dijitaal ah oo lagu xoojinayo dakhli-ururinta.
Warbixintu waxay muujisay in dakhliga gudaha Soomaaliya uu si joogto ah u kobcayay afartii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii 2022, dakhliga gudaha wuxuu ahaa $262.67 milyan, halka uu gaaray $329.49 milyan sanadkii 2023. Sanadkii 2024 wuxuu kor ugu kacay $369.35 milyan, waxaana sanadkii 2025 uu gaaray $404.31 milyan.
Dakhliga canshuuraha ayaa sanadkii 2025 gaaray $280.68 milyan, marka loo eego $267.45 milyan sanadkii 2024. Sidoo kale, dakhliga aan canshuurta ahayn ayaa koror muuqda sameeyay, isagoo gaaray $123.63 milyan, halka uu ahaa $101.90 milyan sanadkii ka horreeyay.
Qaybaha ugu muhiimsan ee kobaca sameeyay waxaa ka mid ah canshuurta iibka, taas oo ka korortay $51.42 milyan sanadkii 2024 una gaartay $67.25 milyan sanadkii 2025. Warbixinta ayaa sheegtay in kororkani uu ka yimid ururinta canshuuraha badeecadaha la soo dejiyo, adeegyada ganacsiga, shirkadaha isgaarsiinta, adeegyada hoteellada iyo nidaamka ETAS ee laga jaro 5% akoonnada ganacsatada ee adeegyada lacagaha mobilada.