Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu maamuusayay bilowga sannadka 1117-aad ee kaltirsiga Soomaaliyeed ee Dabshid, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin, aqoonyahanno, fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabisay Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, iyadoo looga gol lahaa xuska sannadka cusub iyo kor u qaadidda wacyiga ku saabsan kalandarka dhaqameed ee Soomaalida.
Guddoomiyaha Akadeemiyada, Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in munaasabaddan looga gol leeyahay in la muujiyo in Soomaaliya ay leedahay kalandar u gaar ah, sida dalalka kale ee caalamka.
“Dal walba wuxuu leeyahay kalandar u gaar ah, Soomaaliyana way leedahay,” ayuu yiri.
Sannadka oo ah Sanad Khamiis ah ayaa ku beegan xisaab ahaan sannadka 1117-aad ee kaltirsiga Soomaaliyeed.