Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 19-kii bishaan Maarso 2026 la dilay hogaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa soo iibinta hubka iyo maaddooyinka qaraxyada, kaddib howlgal qorsheysan oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay NISA, howlgalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Kuunyo Barrow iyo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday Cabdirsxiim Cali Cabdullaahi Macallin, oo lagu tilmaamay inuu ahaa laf-dhabarta isku xirka sahayda hubka iyo walxaha qarxa ee kooxda.
NISA ayaa sheegtay in ninkan uu door muhiim ah ku lahaa soo gelinta hubka iyo maaddooyinka qarxa ee Al-Shabaab, isla markaana uu ka dambeeyay abaabulka weerarro badan oo ay kooxda fulisay.
