Yemen (Dawan)– Dagaalka dib uga soo cusboonaaday Yemen ayaa bilaabay inuu saameyn toos ah ku yeesho dalalka ku yaalla dhinaca kale ee Gacanka Cadmeed, gaar ahaan Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo kumannaan qof ay badda uga soo gudbeen colaadda, halka hay’adaha Qaramada Midoobay ay ka digayaan qaxooti hor leh iyo cadaadis ku yimaada adeegyada aasaasiga ah.
Digniintan waxaa 22-kii Sebteembar 2026 magaalada Geneva ka soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR. Afhayeenka hay’adda, Babar Baloch, ayaa sheegay in dagaalladu tan iyo bilowgii Sebteembar barakiciyeen in ka badan 130,000 qof.
UNHCR waxay sheegtay in in ka badan 3,000 oo Yemeni ah ay ka gudbeen Gacanka Cadmeed oo ay gaareen Jabuuti, halka boqollaal kale ay soo gaareen deegaannada Somaliland iyo Puntland.
“Qaxootiga Yemen waxay maalin kasta sii gaarayaan Jabuuti. In ka badan 3,000 ayaa ilaa hadda yimid, halka boqollaal kalena ay gaareen Somaliland iyo Puntland,” ayuu Baloch ka sheegay shirka jaraa’idka QM ee Geneva.
UNHCR iyo hay’adaha ay wada shaqeeyaan ayaa qiyaasaya in in ka badan 10,000 oo qof ay gaaraan Jabuuti iyo Soomaaliya, qiyaasaadkaan ayaa lagu saleeyay xaaladda dagaalka, qulqulka dadka hadda socda iyo suurtagalnimada in safarrada badda ay kordhaan.
Hay’addu waxay sheegtay in xaaladda Gacanka Cadmeed la filayo inay degto bartamaha Oktoobar. Marka hirarka iyo dabayluhu yaraadaan, doonyo badan ayaa awoodi kara inay Yemen ka gudbaan, taas oo kordhin karta tirada dadka gaara xeebaha Jabuuti iyo Soomaaliya.