Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay shirkii Xalane ee ay la yeelatay siyaasiyiinta mucaaradka la tagtay hannaan doorasho oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, kaas oo uu sheegay in dowladdu muddo ka shaqeynaysay.
Saalax Axmed Jaamac, oo wareysi gaar ah siiyay Miizaan Podcast oo ka baxa Dawan, ayaa sheegay in wada-hadalladu socdeen saddex maalmood, isla markaana si weyn looga dooday arrimaha doorashada iyo sidii loo hirgelin lahaa.
“Wadahadalladaasi saddex cisho ayay socdeen, aad baa loo dooday, wax badan baa la isku soo dhoweeyay, nasiib darro doorkan layskuma afgaran wax labada dhinacba ay isla oggol yihiin,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay miiska la tagtay qorshe doorasho oo ku saleysan qof iyo cod, isagoo ku dooday in hannaankaas uu yahay mid ay shacabka Soomaaliyeed sugayeen, dowladduna ay muddo ku hawlanayd sharciyeyntiisa iyo hirgelintiisa.
“Dabcan anagu goobta waxaanu la tagnay hannaankii doorasho ku salaysan mabaadi’da qof iyo cod oo aanu aaminsanahay in xilligeedii la joogo, dadka Soomaaliyeedna ay naga filayaan,” ayuu yiri.
Saalax ayaa sheegay in doodda shirku aysan ku saabsaneyn dhismaha dowlad ku-meel-gaar ah, balse ay ku saabsaneyd sidii loo saari lahaa guddi farsamo oo talo ka bixiya habka loo muddeynayo, loona qurxinayo doorashada qof iyo codka ah.
“Qaybta la yiraahdo aynu dawlad cusub dhisno meesha kuma jirin ee in guddi farsamo la saaro oo ka soo talo bixisa sidii loo muddeyn lahaa, loona qurxin lahaa doorashada qof iyo codka ah ayay dooddu abaarnayd,” ayuu sheegay.


