Galmudug (Dawan) – Galmudug ayaa Khamiista oo ku beegan 30-ka Luulyo, martigelinaysa doorasho loo arko mid taariikhi ah, iyadoo in ka badan 215,000 oo codbixiye ay u dareeri doonaan sanaadiiqda codbixinta si ay u doortaan goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Doorashadan waxa ay gaar la tahay in markii ugu horreysay in ka badan 50 sano awoodda doorashada lagu wareejinayo shacabka, halkii ay muddo dheer gacanta ugu jirtay siyaasiyiin, ergooyin iyo odayaal dhaqameed soo xuli jiray xubnaha hay'adaha maamulka. Markan, qof kasta oo isdiiwaangeliyay ayaa si toos ah codkiisa ugu dooranaya cidda ku metelaysa degmada iyo Golaha Wakiillada Galmudug.
Doorasho isku Sidkan
Doorashada Khamiista ayaa ah doorasho isku sidkan, taas oo ka dhigan in hal maalin la wada qabanayo laba doorasho oo kala ah doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug iyo doorashada xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Si kastaba ha ahaatee, shacabka maalintaas si toos ah uma dooranayaan Madaxweynaha Galmudug. Waxay dooranayaan goleyaasha deegaanka iyo xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiillada, kuwaas oo saldhig u noqon doona maamulka iyo jihada siyaasadeed ee Galmudug sanadaha soo socda.
Imisa qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan?
Sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka, 215,860 qof ayaa iska diiwaangeliyay codbixinta gobollada Mudug iyo Galgaduud. Gobolka Mudug waxaa laga diiwaangeliyay 116,590 codbixiye, halka Gobolka Galgaduud laga diiwaangeliyay 99,270 qof.