Muqdisho (Dawan ) – Siciid Diiriye oo ka tirsan Hormuud Telecom ayaa sheegay in ilaalinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay noqotay arrin muhiim u ah horumarka dalka, gaar ahaan xilligan ay adeegyada dijitaalka ah iyo isticmaalka xogta shacabka sii kordhayaan.
Siciid, oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Diiwaangelinta Xog-dhawrayaasha iyo Xog-adeegsadayaasha oo ay soo agaasintay Hay’adda Dhowrista Xogta Qaranka, ayaa bogaadiyay shaqada hay’addu ka qabatay dhismaha nidaamka ilaalinta xogta, isagoo sheegay in Soomaaliya maanta mareyso marxalad ay muhiim tahay in xogta muwaadiniinta loo maareeyo si ammaan ah oo masuuliyad leh.
“Adduunka waxaa lagu kala hormarayaa xogta la hayo iyo qaabka loo isticmaalo,” ayuu yiri Siciid Diiriye, isagoo intaas ku daray in dowladdu iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xogta shacabka.


