Washington (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa ka qeyb gashay Madasha Dalalka Yaryar , oo lagu qabtay magaalada Washington DC, taas oo ka mid ahayd shirarka sanadlaha ah ee kooxda Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka.
Madashan ayaa kulmisay wasiirrada maaliyadda iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe ee dalalka yaryar, kuwaas oo wada-hadallo la yeeshay hoggaanka Bangiga Adduunka iyo la-hawlgalayaal caalami ah, iyagoo diiradda saaray istaraatiijiyadda cusub ee Bangiga Adduunka ee dalalka yaryar.
Wararka ayaa sheegaya in doodaha si gaar ah looga hadlay caqabadaha ay wajahaan dalalka yaryar, oo ay ka mid yihiin nuglaanta dhaqaale, isbeddelka cimilada, iyo ku tiirsanaanta dibadda, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay fursadaha horumarineed iyo iskaashiga caalamiga ah.


