Muqdisho ( Dawan) - Muqdisho saakay waxaa loo dareeray doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaannada ee 16 degmo ka mid ah 20-ka degmo ee Muqdisho.
Sida gudiga doorashada uu sheegay, doorashadan waxa ka qaybqaadanaya in ka badan 500 kun oo codbixiyeyaal ah, kuwaas oo aroor hore ee saakay usii kalahay inay tagaan goobaha codbixinta ee degmooyinkooda.
Doorashadan, waxaa kaliya lagu dooran doonan golayaasha degmooyinka oo noqon doona xildhibaanada degmada, kuwaas oo wadarta guud ee 16 degmo noqonaysa 390 xubnood. Dadka waxa ay u codeynayaan kaliya urur siyaasadeedka halka urur siyaasadeedkana uu horay usoo bandhigay murashaxiinta o saartay u tartamaya golayaasha deegaannada ee degmooyinka.
Ururada loo codeeyay ayaa kuraasta u kala heli doona sida ay ugu kala cod badan yihiin, tirooyinka golayaasha oo ay kala helaan ururada, ayaa soo dooran doona gudoomiyaha iyo ku xigeenka golaha ee degmada, kadibna waxay wadarta guud ee golayaashi sii dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.






