Qodobadani waxay muujinayaan in Islaamka uu yahay saldhig sharci iyo mid bulsho oo dalka ku dhisan yahay. Si kastaba, dastuurku si toos ah uma qeexayo in qofka Soomaaliga ah uu khasab ku yahay inuu Muslim noqdo si uu Soomaali u ahaado.
Dastuurka dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee dhawaan la ansixiyay ayaa isna sii xoojiyay qodobadan, isaga oo aan waxba ka beddelin qodobadii hore. Si la mid ah Dastuurkii 2012, ma jiro qodob si cad u dhigaya in Soomaalinimada lagu xirayo diinta qofka.
Sidaas darteed, hadalka Ra’iisul Wasaaraha ee “Qofka aan Islaamka ahayn Soomaali ma aha” wuxuu ka tarjumayaa aragti siyaasadeed oo muujinaysa in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn ugu mideysan tahay Islaamka, maadaama dalka intiisa badan ay Muslimiin yihiin, inkastoo sanadihii dambe ay soo baxayeen dad sheeganaya Soomaalinimo balse heysta diimo kale.
Soomaaliya waa dal Islaamku udub-dhexaad u yahay sharci ahaan iyo bulsho ahaanba, iyadoo dastuurku si cad u difaacayo Islaamka. Si kastaba, doodda ku saabsan Soomaalinimada iyo diinta ayaa weli ah mid furan oo siyaasadeed, taas oo mar kale soo ifbaxday kadib hadalka Ra’iisul Wasaaraha.