Muqdisho (Dawan) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Isniinti xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, Wamkele Mene, oo booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Kulanka ayaa looga hadlay fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya uga imaanaya ka mid noqoshada nidaamka ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika, iyo sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyada ganacsi ee kor u qaadi kara wax-soo-saarka gudaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in booqashada Xoghayaha Guud ee Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo Soomaaliya ay qaaday tallaabo cusub oo dhanka isku-xirka ganacsiga Afrika ah.
Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.