Addis Ababa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Kulanka, oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Itoobiya, ayaa qayb ka ahaa booqasho shaqo oo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalka Itoobiya. Intii uu socday kulanka, labada hoggaamiye waxay diiradda saareen sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, diblomaasiyadda iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka.
Amniga ayaa ka mid ahaa ajendayaasha ugu muhiimsan ee kulanka, iyadoo Soomaaliya ay weli waddo howlgalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, halka Itoobiya ay door muuqda ku leedahay dadaallada Midowga Afrika ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada lagu wajahayo khataraha amni ee gobolka.