Muqdisho (Dawan ) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, ayaa maanta oo Khamiis ah Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga wada hadleen dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, sida lagu sheegay qoraalka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
"Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee guud ahaan gobolka, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo taageerada Dowladda Mareykanka ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaatay tayeynta ciidamada qalabka sida iyo xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.