Muqdisho (Dawan)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jabuuti, General Sakariye Sheekh Ibraahim, oo booqashadiisu la xiriirtay ka qeybgalka shirka taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), sida ay baahiyeen Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Sida uu sheegay SNTV, General Sakariya iyo wafdiga la socday ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka shirka taliyeyaasha ciidamada AUSSOM, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada militari iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
SNTV waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo General Sakariya ay adkeeyeen xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti kaalinta ay ka qaataan amniga Soomaaliya, la-dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay'adaha amniga.