Jabuuti (Dawan)- Jabuuti iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda mowqifyada ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh dunida Muslimka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa khadka telefoonka kula hadlay xoghayaha guud ee cusub ee OIC, Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Wadahadalkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee dhexmaray labada mas’uul tan iyo markii diblomaasiga reer Mauritania uu la wareegay hoggaanka ururka oo ay ku mideysan yihiin 57 waddan.