Muqdisho (Dawan) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay qurba-joogta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay diyaar-garowga fatahaadaha la saadaalinayo inay ka dhashaan xaaladda El Niño, sida ay sheegtay SoDMA.
Kulanka oo ay ka qayb galeen xubno ka socday Ururka Somali Global Diaspora (GSD) ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa tallaabooyinka hore ee lagu yareyn karo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha iyo xaaladaha degdegga ah.
Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqay inay kaalin ka qaataan dadaallada gurmadka, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta iskaashiga la xiriira u-diyaargarowga musiibooyinka.