Muqdisho, 6 Janaayo 2026 ( Dawan)- Soomaaliya ayaa si adag oo aan leex-leexad lahayn u cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, uu ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo ku tilmaantay faragelin toos ah oo aan la aqbali karin oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa lagu caddeeyay in booqashadan ay tahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciyada caalamiga ah iyo madax-bannaanida dalka, isla markaana Hargeysa ay tahay qayb lama taabtaan ah oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ee si caalami ah loo aqoonsan yahay.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in joogitaan kasta oo rasmi ah, xiriir ama hawlgal kasta oo laga fuliyo dhulka Soomaaliya iyada oo aan ogolaansho laga helin Dowladda Federaalka Soomaaliya inuu yahay sharci-darro, waxba kama jiraan, mana laha wax qiime sharci ah ama saameyn caalami ah.







