Laascaanood (Dawan) – Madaxweynaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa digniin militari u diray maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dhinac kasta oo weerar kusoo qaada deegaannada maamulkiisa uu la kulmi doono jawaab adag. Hadalkaas kaddib, madaxweynuhu wuxuu kormeeray fariisinka ciidamada Daraawiishta ee Sallinta, halkaas oo uu saraakiisha kula dardaarmay feejignaanta iyo u diyaargarowga xaalad kasta oo amni.
Firdhiye, oo 27-kii Luulyo 2026 ka hadlay kulan la-tashi oo ay ka qaybgaleen dhallinyarada iyo haweenka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in maamulkiisu aanu ku ekaan doonin iska difaac oo keliya, balse uu tallaabo ka qaadi doono halka laga soo abaabulo weerar kasta.
“Cidda nagu duullaanka ah, duullaan ayaan ku nahay caawa laga bilaabo. Nidaamka gooni-u-goosadka ah ee Hargeysa jooga, haddii ay intii hore ku waantoobi waayeen, waxaa naga go’an in darsi labaad aan u dhigno,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in maamulka Somaliland uu qaadi doono mas’uuliyadda dhibaato kasta oo ka dhalata dhaqdhaqaaqyada amni ee ka dhaca deegaannada lagu muransan yahay.
Maalin kaddib digniintaas, 28-kii Luulyo, Madaxweyne Firdhiye ayaa booqday fariisinka ciidamada Daraawiishta Waqooyi Bari ee Sallinta, halkaas oo uu saraakiisha ciidamada kala hadlay kordhinta feejignaanta, diyaarinta jawaab kasta oo amni, xoojinta difaaca deegaannada Waqooyi Bari iyo dhammaystirka xuquuqda iyo dib-u-habaynta ciidamada.