Hargeysa (Dawan) — Muran siyaasadeed ayaa ka dhex taagan xisbiga mucaaradka ah ee KAAH iyo xukuumadda Somaliland, kaas oo ka dhashay hadallo uu xisbigu ka sheegay xaaladda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, balse markii dambe isu beddelay dood ku saabsan awoodda hay'adaha amniga, habka sharciga loo maro iyo xadka ay mucaaradnimadu ku ekaan karto.
Muranku wuxuu billowday kadib markii afhayeenka KAAH, Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, uu ka hadlay geerida haweeney ku dhimatay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isagoo sheegay in adeeg-xumo iyo dhibaatooyin caafimaad ay qayb ka ahaayeen xaaladdii ay la kulantay. KAAH wuxuu xukuumadda ku dhaliilay adeegyada caafimaadka, wuxuuna dalbaday in arrinta si dhab ah loo baaro.
KAAH ayaa markii dambe sheegay in Cabdirashiid uu ku hadlayay mowqif rasmi ah oo ka yimid hoggaanka xisbiga, ayna sidaas darteed eedaha ama hadallada laga qaadayo aysan ahayn aragti shaqsi ah. Xisbigu wuxuu sidoo kale sheegay inuusan diiddanayn in hadalkiisa sharci ahaan loo baaro, balse ay tahay in hay'adaha xukuumadda ay raacaan habraaca sharciga.
Maxaa keenay in CID lagu soo daro muranka?
Qodobka ugu weyn ee muranka cusub ayaa noqday sida CID-du ula macaamilayso afhayeenka KAAH.
KAAH wuxuu sheegay in haddii Cabdirashiid loo baahan yahay in su'aalo laga weydiiyo hadalkiisii, ay ahayd in xisbiga si rasmi ah loogu soo diro warqad lagu sheegayo waxa looga dacwoonayo iyo waqtiga loogu yeerayo. Guddoomiye-ku-xigeenka KAAH ee Arrimaha Siyaasadda, Cabdillaahi Ibraahim Habbane, wuxuu ku dooday in boolisku aysan iskood u fulin karin tallaabooyin aan loo marin nidaamka sharciga iyo hay'adaha garsoorka.
Habbane wuxuu sheegay in KAAH uusan diiddanayn sharciga, balse uu doonayo in xukuumadda iyo hay'adaha ammaanku ay iyaguna sharciga u hoggaansamaan. Wuxuu xusay in haddii qof ama xisbi dacwad lagu soo oogayo, loo baahan yahay in la caddeeyo cidda dacwoonaysa iyo waxa laga dacwoonayo.
Xukuumaddu maxay ku jawaabtay?