Muqdisho (Dawan) – Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faahfaahiyey nooca doorashada ay doonayaan siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo caddeeyey in aysan diiddanayn doorasho qof iyo cod ah, balse ay ka soo horjeedaan hannaan aan lagu heshiin ama natiijadiisu hore loo sii ogyahay.
Cabdiraxmaan oo wareysi siiyey Miizaan Podcast ayaa sheegay in doodda ugu weyn ay ku saabsan tahay sida loo waafajinayo doorashada qof iyo codka ah iyo nidaamka qaybsiga kuraasta ee ku dhisan 4.5.
"Waa inay labaduba furnaadaan haddii la leeyahay qof iyo cod," ayuu yiri, isaga oo ula jeeday in kuraasta loo tartamayo iyo cod-bixiyayaashuba ay noqdaan kuwo u furan dhammaan muwaadiniinta.
Wuxuu sheegay in haddii kuraasta lagu sii xiro beelo gaar ah, aan nidaamkaas si buuxda loogu tilmaami karin doorasho qof iyo cod ah, balse uu noqonayo hannaan lagu ballaariyey oo keliya tirada cod-bixiyayaasha.
Sida uu sheegay, doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah waxay u baahan tahay in kursiga aan lagu xirin beel gaar ah, isla markaana musharraxiinta iyo cod-bixiyayaashuba ay helaan fursad siman.