Dooxa (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Arbacadii u ambabaxay Qatar, isagoo bilaabaya booqasho rasmi ah oo ku timid casuumaad uu ka helay dowladda Qatar.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in booqashadu diiradda saari doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qatar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Inta uu joogo Qatar, Xamsa ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dalkaas, iyadoo wadahadalladu qayb ka yihiin dadaallada Muqdisho ay ku dooneyso inay sii ballaariso iskaashiga ay la leedahay Doha.