Addis Ababa (Dawan)— Ku dhawaad 700,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadda ka taagan magaalada Moyale iyo deegaannada ku dhow ee ku yaalla xadka Itoobiya iyo Kenya, sida ay sheegtay hay’adda gargaarka bani’aadannimo ee Islamic Relief Ethiopia, oo ka digtay xaalad bani’aadannimo oo sii xumaanaysa. Warbixin ay soo saartay hay’addu ayay ku sheegtay in 329,000 oo qof ay ka barakaceen Gobolka Dawa ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, halka 359,798 qof oo kalena ay ka barakaceen deegaannada koonfurta Oromiya, taas oo tirada guud ka dhigaysa ku dhawaad 688,800 oo qof.
Islamic Relief ayaa sheegtay in dagaallada u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ay bilowdeen 22-kii Oktoobar, isla markaana ay ku fideen deegaanno gaaraya ilaa 300 oo kiiloomitir dhanka magaalada xuduudda ku taalla ee Moyale.
Colaaddan oo xiisaddeedu soo cusboonaatay 18-kii Oktoobar ayaa salka ku haysa muranno dhuleed oo u dhexeeya dhinacyada Soomaalida iyo Oromada. Dagaallada ayaa markii dambe ku fiday degmooyin ka tirsan Gobolka Borana. Sida ay werisay warbaahinta Addis Standard, dadaallo nabadeed oo ay wadeen odayaasha dhaqanka iyo dowladda federaalka Itoobiya ayaan ku guuleysan inay si waarta u soo afjaraan colaadda. Dagaallada ayaa dib u qarxay 16-kii Nofeembar, waxeyna sababeen burbur hor leh oo soo gaaray guryo iyo goobo ganacsi.