Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa faahfaahin ka bixiyay dib-u-habeynta magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay in qaybo ka mid ah dhulalkii danta guud laga iibiyo dad shacab ah, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay ahaayeen kuwo looga gol lahaa casriyeynta caasimadda, sugidda amniga iyo in shacabka loo helo deegaan si rasmi ah loo aqoonsan yahay.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Muqdisho ay muddo dheer ku jirtay xaalad aan waafaqsanayn heerka magaalo-madaxnimo, taas oo keentay in dowladdu qaaddo tallaabooyin dib loogu habeynayo qaabka ay magaaladu u dhisan tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in bixinta iyo sharciyeynta dhulalka qaarkood aysan ahayn qorshe lagu daneynayo kooxo gaar ah, balse looga jawaabayay codsiyo badan oo ka yimid shacabka deggenaa magaalada, kuwaas oo doonayay lahaansho sharci ah iyo in laga saaro hubanti la’aantii ka jirtay dhulalka ay degganaayeen.
“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego. Dadkii magaalada Muqdisho deganaay oo ku noolaay oo canshuurta bixinayay .. dad aan ahayn inta maraakiib iyo diyaarado soo saaray magaalada Muqdisho ma keenin" ayuu yiri madaxweynuhu.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa qiray in dib-u-habeynta magaalada ay saameyn ku yeelatay qaar ka mid ah dadka degganaa meelo la qorsheeyay in laga sameeyo jidad iyo adeegyo bulsho, balse wuxuu sheegay in arrintaasi ay ahayd mid lama huraan u ah horumarinta caasimadda.
"Dad dhul waayay waa jiraan waa run, maxaa yeelay dhulki waa isa saarnaa marka jidad laga bixiyo oo adeeg bulsho laga bixiyo, qof si cashwaa'i u deganaa ayuu ku aadaya. Kii meel loo heli karo meel ayaa loo helay " ayuu raaciyay hadalkiisa.