Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ka bilaabayo kulamo diiradda lagu saarayo dib-u-heshiisiinta, amniga iyo dardargelinta geeddi-socodka doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, waxaana halkaas ku qaabilay hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira xoojinta adeegyada bulshada, horumarinta dowladnimada, gurmadka abaaraha iyo adkeynta nabadda, iyadoo Baydhabo ay noqotay xarun muhiim u ah wada-hadallada siyaasadeed ee ka socda dalka.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona hoggaanka ku-meel-gaarka ah ee maamulka, odayaasha dhaqanka, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo xoojiyo amniga, dib-u-heshiisiinta iyo adeegyada dowladnimo.


